Meecaadshe
Milicsiga Miisaanka Maansada
$34.59
- Paperback
560 pages
- Release Date
7 October 2026
Summary
Buuggani wuxuu ka koobanyahay qoraallo badidooda hore loo faafiyay, kuwaas oo falanqaynaya aqoonta miisaanka maansada Soomaaliyeed ee ay daahfureen buuniyada kala ah Gaarriye iyo Carraale sanadkii 1976. Isaga oo ka xogwarramaya sooyaalka qoraalladaas, buuggani wuxuu iftiiminayaa sida ay maansada Soomaaliyeedi u tahay mid hannaansan, hirgashan oo aad u horumarsan, miisaan ahaan iyo murti ahaanba. Sidaa darteed, qoraallada ugu doorka roon ee uu buuggani meecaadinayo waxay soo qaddimayaan hab ku salaysan xisaabta racaynta (combinatorics) oo si cilmi ku dhisan loogu abla-ablayn karo, looguna tirakoobi karo: 1) dhammaan xubnaha maansada iyo 2) meerisyada ay xubin waliba tirayn ahaan ku tusmaysantahay. Si arrimahaas looga gungaarana, buuggani wuxuu diiwaangalinayaa tusaalayaasha 81 xubnood, kuwaas oo uu 12 ka mid ah tiraymahooda soo bandhigayo; wuxuuna, isaga oo tusaalayaal marag u ah ku kaabaya, soo gudbinayaa figradda ah in aysan jiri karin xubno maansada ka dabargo’ay(a) maadaama oo xogta dhismeed ee xubin kasta la ogaan karo, meerisyo tusaalaynayana loo curin karo marka loo baahdo.
Book Details
| ISBN-13: | 9798182876407 |
|---|---|
| Author: | Idiris Maxamed Cali |
| Publisher: | Barashada Afka Iyo Dhaqanka Soomaaliyeed |
| Imprint: | Barashada Afka Iyo Dhaqanka Soomaaliyeed |
| Format: | Paperback |
| Number of Pages: | 560 |
| Release Date: | 7 October 2026 |
| Weight: | 739g |
| Dimensions: | 32mm x 152mm x 229mm |

You Can Find This Book In
Critics Review
Meecaadshe waa buug leh qiima cilmiyeed, gaar ahaan dhinaca suugaanta iyo maansada. Waa buug isku dayaya inuu maansada Soomaaliyeed ka dhigo maaddo si nidaamsan oo cilmiyeed loo barto. Waa buug marjic u noqonaya mawduuciisa-Mustafa Feyruus, cilmi-afeedyahan
Waa dhigaal ahmiyad badan leh, udubna u ahaan doona cilmibaarista ku saabsan suugaanta Soomaalida-Giorgio Banti, cilmi-afeedyahan
Idiris Maxamed Cali
Idiris Maxamed Cali waa qore iyo cilmibaare madaxbannaan oo daneeya meecaadinta iyo baahinta suugaanta Soomaaliyeed, gaar ahaan maansada.
Wuxuu soo saaray buugagga kala ah:
- Baraf Dhitaysi-Saving Some Snow (2017), oo uu la qoray Sahra Cusmaan.
- Bulaal 1: Afkaaga Ku Dadaal (2019).
- Seeska Naxwaha Af Soomaaliga (2022), oo uu la diyaariyay Cabdalla Cumar Mansuur.
Qoraha iyo qoyskiisuba waxay degganyihiin magaalada Boston, gobolka Maasajusetis, ee dalka Maraykanka.
Returns
This item is eligible for free returns within 30 days of delivery. See our returns policy for further details.



